15-03-2010 11:57:30 Ceelbuurnet.com

 

Councilor Roger Blackmore (Lord Mayor ) oo noqday masulkii uguhoreyey ee noqday ambassadorka Super-        Cupka Leicester 09-03-2010

Mamulka Bahada Sportiga ee magalada Leicester oo gudoonsiiyey shahado sharaf Mayorka magalada Leicester kadib markii u si,xilkasnimo ah ugarab istaagay qaban qaabada iyo qabsomisda kobka Super-Cupka ee kadhaca xiliga Easterka Magalada Leicester oo kutala bartamaha wadanka englad.


 
 Gudomiyaha dalada sportiga ee magalada Leicester Mudane: Omar Hassan Mohamed (Omar-dheere) oo horkacayey waftiga bahada sporiga ee galada leicester oo Casumad rasmiya kahelay aqalka madaxtoyada Magalada Leicester.


Xubnaha waftiga ayaa waxaa kamid ahaa masuliyinta ugusaraysa xaga sportiga magalada Leicester kuwas oo ay kamid ahaayen, G/kuxigenka dalada sportiga ee Leicester united sports and Culture Mudane: Cilmi Macalin Maxamed, Xoghayaha LUSC Mudane: Daud Muse Xasan, Qasnajiga LUSC Mudane: C/lahi Farax Siyad, Xiririyaha Leicester United Sports and CultureMudane: Mohamed Faysal.
 
Maamulka LUSC waxay salan iyo wada hadal kadib ugamahad celiyen tageeradii iyo garab istagii uu garab istaag  mudane:) Councilor Roger Blackmore (Lord Mayor)  qabsoomida koobka Super-Cupka.
 
Mayorka ayaa asna dhiciisa uga mahad celiyey waxaqabadka ururka Leicester United Sports and culture waxana uu,u xaqiijiyey in uu garab istagi dono uuna kamid noqon dono xubnaha ,qabanqaabada koobka Super-Cupka ee magalada Leicester sanadwalba. 
 
Waxaana intaa kadib maamulka LUSC u aqoonsadeen:Councilor Roger Blackmore (Lord Mayor)  masulkii uguhoreyey oo Anbasador unoqda Koobka Super-cupka. Mudane: Councilor Roger Blackmore (Lord Mayor) waa uu gudomay xilkas waana uu kufarxay in uu lashaqeyo dhalinyarada Soomaalida oo uu kutilmaamay dad aad iyo aad ufirfircoon oo wax ween kusookordhiyey bulshada magalada Leicester. Intaa kadib waxaa La,gudoonsiiyey Lord Mayorka shahado sharafta ugusareysa ee ay bixiso jaliyada soomaalida ee degan magalada leicester .   
 
 
Hoghayaha bahda spotiga ee magalada Leicester Mudane: Daud Muse Hassan oo shirka kadib warbahinta kulahadlay goobtii kulanku kadhacay ayaa ucadeyey warbaahinta in uu aad iyo aad ugu farax sanyahay tilaabadan horayloqaday taas oo ah gul Soomaalida oo dhan usohoyatay.
 
waana waajib in Soomaalidu ay la,yeelato xiriir dhow oo wadashaqeeyned madxda sare ee magalada leicester gar ahaan waa gul lataban karo oo ay sohooyen madaxda bahda sportiga LUSC.
 
Daud oo hadalkisii siwata ayaa carabka ku adkeyey in ay mel walba oo maamusleh ay gen donan magaca Soomaalida waayo waxa nalaga aminsanyahay dad waxa dila waxana qariba laakiin markii nalabarto dadku waxay yaqiinsanayaan inan nahay dad shafleh oo qadarinta ay uhayaan umadaha kale ay aad usarayso. Waxana umada soomaaliyeed ee dagan Leicester  sharaf u,ah in masuulkii ugu sareyey uu manta kamid yahay xubnaha qaban qaabada Koobka Super-Cupka.
 
Taasna waxaan uga mahad celinaynaa ilaahay kasokow dhalin yarada iyo mamulka sharfta leh ee Leicester united sports and Culture oo noqday anbasadoro siwen uga turjumay waxa ay dadka soomaalidu yihiin iyo waxqabadkoda iyo ladhaqanka umadaha kal duwan ee aan lanolnahay sporigu waa iskukene dad kaladuwan oo kaladhaqan ah.
 
Waxaan halkaan uga mahad celinayaa Dhamaan Odayaasha sharfta leh, hoyooyinka iyo macaliminta dugsiyada quranka oo ayagu nalashaqeya marwalba. Waxaan kaloo halkaan uga mahad celinayaa  dhaman ururada Soomaaliyeed ee kajira magaalada leicester iyo cid alaale iyo cidii taageerta hawshan qaran ee aan u hayno soomaalida qurba jooga ah.
 
Mudane: Daud  waxaa uu saxada,u cadeyey in malinta ay bishu tahay 08-04-2010 ahna malinta lacayaarayo samifaynalkakoobka Super-cupka. in uu kadhicidoono magalada Leicester qoriturkii cayaaraha xagaaga kadhaca magalada Stockholom cayaarahaas oo ay qabtaan urur weynaha Seuki. Sanadkaan waxaa qoriturka marti loguyahay Leicester.
 

Waad mahad santihiin
Somalimadia

News Editor

Ceelbuurnet.com

admin@ceelbuurnet.com                  

 
 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com

Copyright © 2007 ceelbuurnet.com