18-09-2009 20:22:57 Ceelbuurnet.com
Guddoomiyaha Guddiga Olympikada Soomaliya Mudane Adan Xaaji Yabarow Wiish oo maalinta berri ah ku soo fool leh magaalada Stockholm

 

Masuulka ugu sareeya Sportiga Soomaliya ahna Guddoomiyaha Guddiga Olympikada Soomaliya mudane Aadan Xaaji Yabaroow Wiish ayaa hadii allaha awooda lihi ogolaado maalinta berri ah wuxuu ku soo beegan yahay magaala madaxda dalka Sweden Stockholm isagoo ka soo socdaali doona dalka Denmark oo uu guddoomiyuhu haatan ku sugan yahay.

 

 

 

Magaalada Stockholm ayaa waxaa haatan ka soconeeysa qabanqaabo xoogan oo loogu jiro soo dhaweeynta guddoomiyaha iyo wafdiga la socda iyadoo uu qabanqaabadaa madaxeeda yahay xubin Olympikada Soomaliya oo isagu ku nool magaaladan Stockholm  Mudane Maxamed Muuse Jabroos iyadoo ay sidoo kalena ay soo dhaweeynta Gudoomiyaha sugayaan odayaasha Sportiga magaalada Stockholm oo ay ka mid yihiin oday Sacad Cumar Geedi oo ka mid ah rugcadaayasha Sportiga Soomaliya kuna soo jiray ilaa iyo lixdameeyadii jagooyin kala duwana ka soo qabtay , Bashiir Cilmi  Maxamed Jeenyo oo ahaa laacibkii xulka qaranka iyo kooxdii weeyneeyd ee LL:PP xiliyadii 1970 -1980 kii isla markaana ah masuul ka tirsan ururka Diasbaro, Cabdulqadir Cabdulle (Cabdi Cadde) oo isna ka mid ah odayaasha Sportiga dalkan Sweden isla markaana hore u soo qabtay jagada Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka Kubadda Cagta Soomaliya xilligii uu allaha u naxariistee guddoomiyaha ka ahaa Halyeey Faarax Weheliye Cadoow Sindiko , Xasan Geele oo isna ka soo shaqeeyey howlaha Sportiga Soomaliya iyo dad kale oo aan magacyadooda halkan ku soo koobi karin .

 

Xiriir ku saabsan xilliga saxda ah ee uu guddoomiyuhu ku soo beegan yahay magaaladan Stockholm oo ay shabakaddan warbaahinta ceelbuurnet la sameeysay masuulka  qabanqaabada howshan Mudane Maxamed Muuse Jabroos ayuu noo sheegay in guddoomiyuhu uu magaalada Stockholm ku soo beegan yahay berri oo Sabti ah iyadoo oo uu xoghayaha Olympikada Mudane Cabdulaahi Taranbi uu isna soo gali doono maalinta Axadda iyadoo ka dibna ay labada masuul isku raaci doonaan magaalada Helisinki ee dalkaasi Finland , wuxuu sidoo kale noo sheegay Mudane Maxamed Muuse in 26 bisha ay magaalada Stockholm sidoo kale soo gaari doonaan Guddoomiye ku xigeenka GOS Mudane Duran Faarax iyo Maxamed Xaaji oo ah gudoomiye ku xigeenka kubadda koleyga Soomaliya.

 

Ururweynaha SEUKI oo ah ururka qabanqaabiya cayaaraha xagaaga ka dhaca magaaladan Stockholm ayaa sidoo kale waxeey wax ka soo dhaweeyn doonaan wafdiga ka socda GOS iyadoo uu ururkuna soo dhaweeyntaa u wakiishay guddoomiye ku xigeenka SEUKI Faysal Makaraan.

 

Maalinta Axadda bishuna tahay 27 ayaa waxaa magaalada Stockholm ka dhici doonaa shir loo qabanqaabiyey Wafdiga GOS oo uu horkacayo Guddoomiye Wiish iyadoo shirkaana uu ka dhici doono Folkets Hus oo ku yaal xaafadda Rinkeby.

 

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com