|
Xiriirada & Ururrada Isboortiga oo
loo furay seminar dhinaca maamulka
ah |
|
|
|
Waxaa maanta
Magaalada Muqdisho ka furmay seminaar muddo 3 maalin ah soconaya oo
loo qabtay madaxda hey’adaha isboorti ee dalka ka jira, waxaana
mudada uu seminaarku socdo lagu baranayaa asharro la xariira
maamulka isboortiga.

Xubnaha ka qeb
galaya seminaarkan ayaa waxaa ay ka kala socdaan xiriirada iyo
ururada isboorti ee hoos yimaada guddiga Olombikada Soomaaliyeed,
waxaana guddoomiyaha GOS Aadan Xaaji Yabarow (Wiish) oo seminaarka
furay uu sheegay in sanadkiiba 3 jeer hada kadib la qaban doono
seminaarada noocan oo kale ah.

“Seminaarada
noocan oo kale ah oo maamulka lagu baranayo hada kadib sanadkiiba
sadex jeer ayaanu qaban doonaa, waxaana ugu tala galnay in aqoonta
maamulka isboortiga lagu sii horumariyo”ayuu yiri guddomiyaha GOS oo
munaabadii furitaanka seminaarkan ka hadlayay maanta.
Waxaa uu
guddoomiyuhu sheegay in wixii ka dambeeyay shirweynihii 5-aad ee
doorashada GOS ee Jabuuti ka dhacay bishii Maarso lagu balamay in
loo koco jowl iyo wax qabad ka weyn intii hore loona baahan yahay in
balan qaadkaas laga dhabeeyo.
“Wixii doorashada
ka dambeeyay wax weyn ayaa noo qabsoomay wadadaas ayaana kusii socon
doonaa,waxaana idiin sheegayaa in xiriir ama urur iska fadhiya ayan
isku mid ahaan doonin kuwa ordaaya oowax qabsanaaya, balanteenuna
waa wax qabad dhab ah oo la taaban karo”ayuu yiri guddomiyaha GOS oo
hadalkiisa ku wajahayay guddoomiye yaasha iyo xogahye yaasha
xiriirada iyo ururada ee seminaarka kasoo qeyb galay.
Semninaarkan oo ay
macalimiin ka yihiin Maxamed Axmed Tarabi iyo cabdirashiid Xaaji
Nuur ayaa waxaa uu socon doonaa ilaa iyo maalinta kahmiista ah ee
inasoo aadan oo xaflada xiritaankana lagu bixin doono shahaadooyin
muujinaya ka qeybgalka seminaarka xaga maamulka ah.
Somali NOC
Media Department
- News Editor
- Ceelbuurnet.com
- admin@ceelbuurnet.com
- Muqdisho
|