|
|
|
QM o shacbiga Soomaaliyeed ka codsatay ina is garab taagaan amaanka shaqaalaha shisheeyaha ah.
QM ayaa codsatay in la ilaaliyo amaanka shaqaalaha gargaarka ee ka howl gala gudaha dalka Soomaaliya, kadib markii shaly la sii daayay sarkaal u shaqaynayay hay'ada Unicef oo lagu afduubtay degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Isu duwaha howlaha bini'aadanimo ee hay'ada Unicef Christian Baslev-Olesen ayaa sheegay muhiim in ay tahay shaqaalaha gar gaarka in ay howlahooda ka fuliyaan dalka Soomaaliya, iyadoo aynan jirin wax cabsi ah oo ay ka qabaan in la waxyeelayo.
“waxaanu ka codsanaynaa siyaasiyiinta, culimaa'uddiinka, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo waxgaradka in ay ka shaqeeyaan sugida amaanka shaqaalaha gar gaarka oo ka haya gudaha Soomaaliya howlo loogu gar gaarayo dadka ku tabaalaysan gobollada abaaruhu ay ku dhufteen” ayuu yiri Baslev-Olesen oo intaa kudaray “ ma samata bixin karno nolosha dadka, haddii aynaan gaarin deegaanada baahida daran ay kajiraan, isla markaana ma gudan karno howlaha gar gaar ee loo baahan yahay”.
Robert Mcarthy oo gaaray magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku sugayeen reerkiisa ayaa u mahad naqay dowladda fedaraalka kmg ah ee Soomaaliya, waxgaradka iyo dhamaan intii gacan ka gaysatay sii dayntiisa, waxa uuna ballan qaaday in uu sii wadi doono shaqadii uu ka hayay gudaha dalka Soomaaliya.
Robert Mcarthy oo maliishiyooyin hubaysan ay ka afduubteen degmada Afmadow maalintii arbacada ahayd ayaa shalay la sii daayay kadib mudo 30 saacadood ah oo xoriyadiisa laga qaaday, iyadoo aysan jirin wax waxyeello ah oo la gaarsiiyay.
Maxamed Sheekh Nuur. Muqdisho.
Ceelbuur Net |