09-08-2009 19:07:41 Ceelbuurnet.com
Maamulaha shirkadda xawaaladda Dahabshiil ee Stockholm Maxamuud Sheekh Ibraahim oo ah shaqsi gacan weyn ka geeystay hormarinta cayaaraha xagaaga Stockholm

Maamulaha shirkadda xawaaladda Dahabshiil ee Stockholm Mr Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa lagu tilmaami karaa inuu yahay shaqsi ka socda qeybta ganacsatada Soomaliyeed wax weyna u qabtay hormarinta Sportiga jaaliyadda Soomliyeed ee Yurub isagoo had iyo goor la garabtaagan hiil iyo hooba.

Maxamuud Sheekh Ibraahim ayaa sidoo kale wuxuu magaca shirkadda xawaaladda Dahabshiil ka dhigay mid xawaaladaha kale ee la midka ah dhanka Sportiga uga hormaray iyadoo uu taageero siiyo ururka soo qabanqaabiya cayaarahan xagagaa isla markaana ka qeyb qaata Sponsarka loo sameeyo kooxaha ka dhisan magaalada kana qeybqaata tartanka xagaaga .

Maha sanadkii ugu horeeyey ee uu Maxamuud ka qeybqaatay cayaarahan balse waxaa la dhihi karaa wuxuu qeyb ka ahaa intii ay jireen cayaaraha xagaaga SEUKI oo lagu qabto Stockholm.

Maxamuud oo hugan magaca shirkadda xawaaladda Dahabshiil ayaa wuxuu qeyb weyn kaga jiraa badbaadinta dhalaanka Soomliyeed laga badbaadinayo waxyaabaha xun xun ee dhaqan xumada ah oo ay ka midka yihiin duragska , qaadka , khamriga isagoo ururarada Sportiga ka caawiya in la suurta galiyo qabashada tartamada Sport ee dhalinyaradan lagu badbaadinayo.

Ururka weynaha SEUKI ayaa wuxuu mahad balaaran u dirayaa shirkadda xawaaladda Dahabshiil iyo masuulkeeda Stockholm wada shaqeeynta wanaagsan ee ka dhaxeeysa iyo sida ay Dahabshiil uga hioreeyso xawaaladaha kale ee Soomliyeed ee aan ka qeyb qaadan wax uqabadka dhalinyarada soomliyed.

News Editor
Ceelbuurnet.com
admin@ceelbuurnet.com
Muqdisho

                         

 

 Contact us at: admin@ceelbuurnet.com     

        Copyright © 2007 ceelbuurnet.com